Borama(MNN)Sida Aan Ka Soo Xiganay Barta Uu Ka Isticmaalo Facebooka Masuul Sare Maxamed Cali Cumar Oo Ku Magac Dheer (Jaabir) Ahna Gudoomiye Ku Xigeenkii Degmada Borama Ee Gudida Komishanka Doorashooyinka S/land Ee Gobolka Awdal.Ayaa Shaaciyey In Uu Iska Casilay Xilkii Iyo Xubinimadii Uu Ka Hayey Gudida Komishanka Doorashoyinka Ee Gobolka Awdal. Waxaana Ay U Dhignayd Sidan Hoos Ku Qoran.

War Murtiyeedkaygni waxa uu maanta daaran yahay,aniga oo ahaa Gudoomiye ku xigeenkii ugu mudada dheeraa ee soo mara Komishanka doorashooyinka Degmada Boorama,waxaan maanta oo ay taariilhdu tahay 13/02/2018 halkan ka cadaynayaa inaan shaqadaa ka tagay, hawlo iyo shaqooyin gaar ah oo ii soo baxay aawadeed.

Sidoo kale halkan waxaan aad ugu mahadcelinayaa Guddidii komishanka doorashooyinka qaranka ee aan mudaas soo wada shaqaynay,iyo gaar ahaan Guddidii Gobolka Awdal iyo kii Degmada Boorama,runtii waxa ay ahaayeen akhyaar aanan iloobi karin,waxaanan rajaynayaa inaad u sii shaqayn doontaan bulshadiina iyo qarankiina somaliland,iyada oo ay dhawaan fooda inagu soo hayso doorashadii isa saarnayd ee Baarlamaanka iyo tii golayaasha degaanada dalka,
Alla hawshaas ha idinku asturo.