Bosaaso(MNN)Daawo Maamulka Puntland ayaa dab qabadsiiyay lacago badan oo Shilin Soomaali Faalso ah , lacagahan ayaana ciidamada amaanka maamulkaasi ku qabteen magaalada Boosaaso iyo goobo kale.

Wasiirka Maaliyada Maamulka Puntland iyo Masuuliyiin kale ayaa goob joog ka ahaa gubista lacagtan shiling Soomaaliga ah oo la sheegay in dhibaato badan ka abuurtay deegaanada Puntland.

Waxa uu sheegay Wasiirka in lacagahan faalsada ah ay dhibaato badan ku hayayeen bulshada iyo ganacsigii deegaanada Puntland, waxa uuna tilmaamay in gubitaankan uu faa’iido badan u keenayo bulshada.

Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ayaa dhawaan magaalada Boosasao ku qabtay lacago badan oo faalso ah oo lagu soo qariyay fuustooyin , waxaana lacagahaasi la geeyay bangiga dhaxe ee Puntland iyadoona ugu dambeyn lacagtaasi dab la qabadsiiyay.