Borama(MNN)Iyadoo Waqti Kooban Oo Kaliya Ay Ka Hadhantahay Bilawga Ololaha Doorashada Madaxtooyada Dalka Ayaa Waxaa Laga Dareemayaa Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka Guud Ahaan Bilawga Dabaylaha Ololaha Doorashada Kuwaasi Oo Xisbiyada Qaranku ay Siweyn Ugu Loolamayaan Sidii Xisbi Waliba Dhankiisa U Heli Lahaa Taageerada Shacabka,

Musharaxa Madaxweyne Ee Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ayaa Dhawaan Waxa Uu Magacaabay Xubnaha Ololaha Xisbiga Kulmiye Ee Guud Ahaan Gobolada Dalka Intooda Badan.

Inkastoo Gobolka Awdal Ay Ku Jiraan Gudida Ololaha Doorashada Madaxtooyada Dalka Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada S/land Kuwaasi Oo Ka Soo Jeeda Gobolka Awdal, Hase Ahaatee Waxaa Gabi ahaanba Laga Dareemaynin Deegaanada Kala Duwan Ee Gobolka Dhaqdhaqaasi Ololaha Doorashada Madaxtooyada Dalka,

Taasi Badalkeeda Waxaa Maroorsatay Shaqadii Gudida Ololaha Doorashada Madaxtooyada Ee Gobolka Awdal Marwada Madaxweyne ku Xigeenka S/land Marwo Raxma Xaaji Muxumed Suldaan Waxayna Maanta Xadhiga ka Jartay Tiro Xafiisyo Cusub Oo Xisbiga Kulmiye Ku Yeelan Doono Xaafadaha Kala Duwan Ee Magaalada Borama.

Talaabadani ay Xafiisyada Cusub Ku Furayso Marwo Raxma Xaaji Muxumed Suldaan Oo Aan Meelna kaga Jirin Gudida Ololaha Doorashada Madaxtooyada Ee Gobolka Awdal Ayaa Dareen Horleh Ka Dhex Abuurtay Guud Ahaan Xubnaha iyo Masuuliyiintii Dhawaan Musharax Muuse Biixi U Magacaabay Gobolka Awdal,

Ka Sakow Xafiisyada Cusub Ee Gudaha Magaalada Borama Ee Xadhiga Ay Ka Jartay  Waxaa Horay Ay Xadhiga Uga Soo Jartay Xafiisyo Cusub Oo  Xisbigu Ku Yeelan Doono Deegaano Ka Kala Tirsan Degmooyinka Baki,Saylac Iyo Borama.

Su’aasha Dadweynuhu iswaydiinayaan Ayaa ah Xisbiga Muxaafidka Ee Kulmiye Hadiiba Kala Socodkaasi iyo Is Ag Yaacaasi Ku Galo Ololaha Doorashada Madaxtooyada Waxaa Hubaal ah In Ay Keeno Doonto Natiijo aan lagu Farxin Waxayna Talaabadani Fursad U Noqonaysaa Xisbiyada Mucaaridka Ee Waddani iyo Ucid.

Wararka Magaalonews 

Magaalonews@gmail.com