Nairobi(MNN)Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa shaaciyey in asiga iyo ku xigeenkiisa Kalonzo Musioka ay ka hareen tartanka doorashada ku celiska ah ee dhammaadkan bishan la qaban doono.

Raila Odinga ayaa sheegay in dalabaadkooda aan la aqbalin ka dib go’aankii maxkamadda ee ay ku laashay doorashadii bishii August.

Isbeheysiga Mucaaradka ee Kenya ayaa dalbaday in qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashada la badalo, iyadoo Raila Odinga uu sheegay in go’aankoodu uu ahaa in doorashada ku celiska ah lagu qabto hannaanka ay maxkamadda amartay, kaasoo uu dhigayo dastuurka.

Qoraal ay soo saareen hoggaamiyayaasha mucaaradka waxay ku sheegeen in guddiga doorashada IEBC uu si ula kac ah uga horyimid isbedelka muhiimka ah si loo xaqiijiyo in doorashada 26-ka bishan u noqoto mid xor iyo xalaal ah”.

Waxay guddiga ku eedeeyeen in uu yahay meel uu maamulo xisbiga talada haya ee Jubilee, iyagoo ku dhawaaqay dibadbax ballaaran oo beri ka dhici doono Kenya oo dhan kaasoo ay ku dalbanayaan is bedel lagu sameeyo hannaanka iyo guddiga doorashada.

“Doorashada keli ah ee Jubilee ay aqbalayaan waa mid ay ayaga ku guuleystaan,” ayuu sheegay Raila oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa oo guddiga ugu baaqay inuu joojiyo hannaanka qabashada doorasho ku celiska ah, ayna billaabaan hannaan cusub oo doorasho lagu qabto.