Borama(MNN)Wararka Ka Imanaya Magaalada Borama Ee Xarunta Gobolka Awdal Ayaa Sheegaya in Jahawareer Siyaasadeed Soo Food Saaray Taageerayaasha Daacada u Ah Xisbiga Mucaaridka Ee Waddani Xili Toddobaadyo Kaliya Ay Ka Hadhantahay Bilawga Ololaha Doorshada Madaxtooyada Dalka,

Jaha Wareerkani Siyaasadeed Ee Taageerayaasha Waddani Ku Habsaday Kuwooga Ku Sugan Xarunta Gobolka Awdal Ee Borama Ayaa Siweyn Uga Niyad Jabay Dhirbaaxooyinka SIyaasadeed Oo Xisbiga Wadani Sida Lama Filaanka ah ugaga Imiday Deegaanada Bariga Iyo Galbeedka S/land.

 Xisbiga Waddani Oo Taageero SIyaasadeed Oo Cududleh Ku Lahaa Deegaanada Kala Duwan Ee Gobolka Awdal Ayaa Mudooyinkii Ugu Dambeeyey Siweyn U Furfurtay Ka Dib Markii Habacsanaanta Hogaanka Sare Ee Majaraha U Haya Siyaasada Xisbiga Waddani Ay Ku Hafteen Hanashada Taageerada Shacabka Gobolada Galbeedka S/land SIdaasi Si Lamid ah Waxaa Xisbiga Waddani Uu Ku Fashilmay Isku Haynta iyo Isku Wadka Taageerada Shacabka Waxaana Ay Ka Faa’iidaysan Waayeen Madaxda Xisbigu Jihaynta Taageerayaasha Hogaamintooda u Hamuum Qabay.

Hase Ahaatee Ugu Dambayntii Quwadii shacabku waxay Dib ugu Noqdeen Buuga Tirsiga Taariikhda iyo Fursadaha Lama Dhaafaankaa Ee Waqtigani Dabaysha Siyaasadu Siisay waxaana Taageerayaashii muga iyo miisaanka lahaa Ee Ku Dhaadan Jiray Waynaynta Magaca Xisbsiga Waddani Waqti Xaadirkani u Badan Yihiin Kuwo Dhagaha Ka Furaysta Maqalka Magacaasi Xisbiga Halka Qaarkoodna Ay Indhaha Ka laliyaan Akhirska Magaca Xisbiga.

Jahawareerka Siyaasadeed Ee Ugu Wayn Ee Ku Habsaday Taageerayaasha Xisbiga Waddani Ee Gobolka Awdal Intooda Quudaraynaysa In Ay Ka Soo Dhex Muuqdaan Qaabdhismeedka Gobolka Ayaa Waxaa Caqabad Ku Noqday Musharixiinta Xisbiga Waddani Kuwaasi Oo Aad Moodo in Ay U Kala Xishoonayaan Sidii Gacal waayo Kala Maqnaa Oo Talada Xisbiga Uga Kala Xishoonaya Go’aan ka Gaadhideeda.

Taasi Badalkeedana Xubnaha iyo Taagerayaasha Laga Tirada Badan Yahay Ee Waqti Xaadirkani Quudaraynaya In Ay Ka Soo Dhex Muuqdaan Xubnaha Xisbiga Waddani Ayaa Ku Jira Xaalad ah  Cabudhin Siyaasadeed Waxaanad Moodaa In Laga Dhigay Jawaan Hadhuudh ah oo la Cabeeyey Ka Dibna Afka Laga Tolay.

Taageerayaasha Fara Cidiyahood Kula Taagan Ee Xisbiga Ku Sii Hadhay Waxaa ay Xidada Taageeradooda Kala Bixi Doonaan Marka Ay Musharixiinta Xisbigu Isku Dayaan In Ay Furaan Jawaankaasi Dadkii ay ku Cabeeyeen.

Dhinaca Kale Niyad Jabka SIyaasadeed Ee Taageerayaasha Xibsiga Waddani Ee Gobolka Awdal Ku Habsaday waxaa Markhaati U ah Sida Looga Sifeeyey Boodhadhka Astaanta Xisbiga iyo Musharixiinta Ee Wadooyinka Borama Kuwaasi Oo Hada Boosaskoodii Ay Buux Dhaafiyeen Sawirada Taageerayaasha Xisbiga Muxaafidka Ee Kulmiye…….

 

Wararka Magaalonews

Magaalonews@gmail.com